Gabay: Allaha U Naxariistee Siciid Sh. Maxamuud Siciid (gacamey Waxba yaan sintaaca, iyo kursiga la isku saabayne Waxba yaan, sariiraha sharaxan suxulku aasnaane Waxba yaan, sigaarkiyo qamriga sooryo loo bixine Waxba yaan, saraha fooqa dheer saami loo gadane Waxba yaan, bangaha jeeg sawiran, Saynab loo dirine Waxba yaan, saxiix iyo qoraal, qalinku saarnaane Waxba yaan, ninkaan saatan rabin, saawir loo tumane Waxba yaan, sandhuublaha cabsida, sahan la koorayne Waxba yaan, sakiintiyo midida, suulka lagu hayne Waxba yaan, orgiga sararta wayn, Suuban loo qaline Waxba yaan, sareeyaw habluhu kuugu sacabayne Waxba yaan, Sacuudiga latagin, saacad dabadeede Waxba yaan, sabool baa nadiley, saaxib loo orane Waxba yaan, baryaan subaxna harin, loogu sii socone Waxba yaan, sinaan iyo midnimo lays sabaalayne Waxba yaan, siyaasada guracan, sookac lay orane

Dunidii sabaan baa ka
dhacay, saxo kaliileede
Suluf iyo abaar, iyo colaad,
soohan laga sheegye
Saxal baa ku dhacay,
uumiyihii, sun iyo baaruude
Saymuhu halkey gali jireen,
soofna laga waaye
Sareedada dadkii haysan
jiray, saxal ku weynaaye
Saaciyo Mariiqii wacnaa,
seege waayahane
Xidigii sarayn jiray, wakaa
saaka foorara’e
Sanka duul ka xiran baan
nahoo, seeto loo dhigaye
Sodan guura baa lagu, jiraa
saamo gadataahe
Waa silic ku joog iyo,
gunimo sabab la’aanede
Cirkuna waa sawaarayn
jiree, sagalki loo diidye
Samartiino weeyaan hadaad,
Guga sugaysaane
Sanadkii inuu baaqdey, baa
sahan ku sheegeene
Oo saahiro banana baa cidii,
saabka loo dhigaye
Geelu wuxuu ka soofaa
caradii, soomanka ahayde
Sadna kuma hayoo, waa
dhulkii saymo raagsadaye
Sinbiriiraxadu waa waxaa
solay, jirkeygiiye
Soofaha wax gooyiyo,
birtuba, sahan afkoodiiye
Samaha iyo qayradku, way
iga sokeeyaane
Sakaraadka iyo mowdka
dhaca, waw sigtoonahaye
Inta seeftu ciida iga taal,
mooyi saan noqone
Yaan la kala saraynbaa,
qalqiga loogu saar tumaye
Sokeeeyiyo, qabiil iyo xigtey,
noo sardahayaane
Soomaalidu hanoolato, aan
waana lagu seexan
Waxay hadal ku suub
sanahayaan, siman
dadkeeniiye
Hayeeshee sal iyo baar,
macnaha waan la soconaaye
Waxa suuqa yaaliyo, jirada
uunka wada saaqday
Safarada iyo gaajada, dadkii
seeda ka idleysay
Saqiir xalay dhashaa waa
ogyahay, xaalku suu yahaye
Marse hadaan saadaashii
furay, saami qabarkeyga
Oo aan seexan waayee,
hurdada salaley oo toosay
Oo waliba sawaare cilmi,
qayb saaray dibintayda
Saluug buu I taray, beyd
guntane, saan u faashadaye
Cimradii sokeeyaha jaclayd,
iima soo bixine
Somacii lugaha seexan jiray,
sidig dariiqiye
Hadaan geed la siibiyo,
cagaar lagu sabaalaynin
Sideed inuu ku reer galo,
ankee suuro gali waydey
Moorada sadexan waa
Afyuub, waxa sameeyaaye
Mid hagaaga seexdiyo,
Bayaad dabinka kaa saara
Kol hadaan Guntane, suulku
hara calaf ku siineynin
Waan lagu sal dhigin, bayd
walaal, kaa salaan tagaye
Lama sugo sidiisaba hadaan,
soofka loo dhigine
Garba raarka waa kaa
samada, saaran oo tagaye
Safarlaaxig baa xigi lahayd,
saacad dabadeede
Nulqaduu sareedada u
waday, saaka ka irdhowye
Waxa Kooshin ii sabanayaa,
waa suf iyo beene
Afartaa sifeeyaye, hadaan
sadar kale u laabto
Waxba yaan sintaaca, iyo
kursiga la isku saabayne
Waxba yaan, sariiraha
sharaxan suxulku aasnaane
Waxba yaan, sigaarkiyo
qamriga sooryo loo bixine
Waxba yaan, saraha fooqa
dheer saami loo gadane
Waxba yaan, bangaha jeeg
sawiran, Saynab loo dirine
Waxba yaan, saxiix iyo
qoraal, qalinku saarnaane
Waxba yaan, ninkaan saatan
rabin, saawir loo tumane
Waxba yaan, sandhuublaha
cabsida, sahan la koorayne
Waxba yaan, sakiintiyo
midida, suulka lagu hayne
Waxba yaan, orgiga sararta
wayn, Suuban loo qaline
Waxba yaan, sareeyaw
habluhu kuugu sacabayne
Waxba yaan, Sacuudiga
latagin, saacad dabadeede
Waxba yaan, sabool baa
nadiley, saaxib loo orane
Waxba yaan, baryaan
subaxna harin, loogu sii
socone
Waxba yaan, sinaan iyo
midnimo lays sabaalayne
Waxba yaan, siyaasada
guracan, sookac lay orane
Hadii aad sasabo noo wade,
surinka noo jiiftay
Surka qabo hasiidayn
hadaad, xarig u soo haysay
Ogoow sidigta waa
diidantahay, sulub
hasheeniiye
Sanad yaashii ay naga
gurayd, suuxnay gaajada’e
Salaaf kiyo dhukaankii ka
hare, shilinti saarayde
Oo waa soo sadgoysoo
bariba, Saafi way dhaliye
Waysalaaxi doonaan ragii,
soomanaan jiraye
Suusac iyo dhiyadii hadii,
Eebe naga siiyo
Soo dhaweeya haamaha,
dad yahaw gaarney sami
hiiye
Soofkana Nugaal baa
wacnaa, seerihii Muduge
Sumaddii horaa looga dhigi,
sabada Hiiraane
Sinjigeeda nimankii lahaa,
lagama saanyoone
Sinta Dabare inay daaqdo
baa, Saafi loo wadaye
Soomaalidaa eegatoo, saami
ku lahayde
Samawade Abgaal baa
jeclaayo, keenay sahaydiiye
Sadex Cali Caray baa iyana,
seefahii tumaye
Inuu Cayrna saanada ugurto,
waa la soo saxaye
Saleebaan dhulkuu dago
ayaa sugayey, wiigaane
Sacad iyo Saruur baa jeclaa,
inay salaaxaane
Haday Caabudwaaq
siilistana, waa si gooniyahe
Sodon bari markii ay qadoo,
seeto lagu dhuujay
Sabaali hiimaarkii lagu
dabree, sibirtu dheeraatay
Habar saarqabtiyo dumar,
markuu wada salaaxaayey
Sadkaagii ka maashaye,
adaan samirka, eegayne
Warhooy salabka keen Irir,
haduu seefihii tumaye.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s