Gabayga Fariin Qaran: Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

image

Gabayga Fariin Qaran:
Maxaan geysh dhisnaa
taliskibaa cunni
garaamkiiye 《Sarkaal kamid ah ciidamada Soomaaliya
ayaa marki ugu horeeyay ka gabayay
dhibaatada gaamurtay ee haysata
ciidanka xooga Soomaaliya.
Wuxuu Sarkaalku gabayga kaga hadlayaa
maamul ximadda iyo musuq maasuqa
kajira taliska ciidanka oo uu sheegay in
gaajo iyo guhaad lagu dilay.
Bahda Warbaahinta Hannoolaato ayaa
marki ay arkeen gabayga Fariin qaran
waxay go’aan ku gaareen in ay bulshada
gaarsiiyaan cabashada sarkaalkan ku
hadlaya codka ciidanka xoogga.
Hadaan nahay bahda warbaahinta
Hannoolaato waxaan si waddani nimo ah
uga codsaneynaa Madaxweynaha
Soomaaliya Md. Xasan Sh Maxamoud oo
ah mas’uulka ugu sareeya Taliska
ciidanka dalka inuu il cadaalad ah ku
eego cabashada ciidanka qaranka.
Waxaa gabaygan tiriyay Colonel
Cismaan Cilmi Guure oo kamid ah
ciidamada dalka Soomaaliya
Gabaygu inta qoran wuu ka dheeryahay
ee dhageysi wanaagsan.
Wixi fariin iyo arragti
ah hoos noogu
dhaaf @kingofafrica
Mahadsanid Gabayga (FARIIN QARAN)
In dhoweydba waataan ka tegay
gabayadeydiiye
Gacmahaan ka laabtoo marhore baan ka
gaabsadaye
Anoon gebin inaan u ganbiyo waan
go’aansadaye
Markii ley gardaadiyay-ba waa soo
gunaanadaye
Maanta waxaan tirinayaa gabay gun iyo
baac dheere
Nin gaboobay iyo wiil gu’ yari gaari
mahayaane
Geeduhu kuyaalaan aqaan oon kasoo
guriye
Aduunyada markii uu gilgilay gocosho
weyn reebye
Kumanaan aan geerida rabine baqo is
giijeene
Gaanjada markii aan ka jaray gaaskibaa
fidaye
Gal xareeda niman buu u yahay dhaay
lasoo gadaye
Nin kalana gantaal buu ku yahay gubaya
laabtiisa
Ha gadoodo ruuxii rabee waan ku
godayaaye
Milateriga gaajadu dishoo gaardin kari
waaye
Milatariga gaabsanahayee goodin kari
waaye
Milateriga gaadiid wadada gooshi kari
waaye
Milateriga goobihii dagaal guul ka dhalin
waaye
Milateriga gobanimo ka tegay ee
gunnimo doortay
Oo cadawga goonyaha fadhiya gaari kari
waaye
Waxa geeyay heerkaas hadaan maanta
garan weynay
Guuleystayaalow wax badan baan ka
gaabinaye
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin
nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni
garaamkiiye
Galhayeeri Gudaha Jowhar iyo Gobolka
Hiiraana
Galgaduud ilaa Gaalkacyiyo Garoowe
Meesheeda
Ama Guriga Buuhoodle iyo Seylac
Guradeeda
Gebiley Waqooyiga Galbeed Harar
Gadaasheeda
Hadii aan Godey iyo Wardheer Doolo
soo Geliyo
Goof Guddudka Baydhabo ilaa Gedo aan
Gaarsiiyo
Nimankaa garaadada dhigtoo Geela ku
Ilaalsha
Guutooyinkii kala tegiyo Gaaskii kala
yaacay
Mar labaad haddii loo guntadoo goob
isugu keeno
Gaashaandhigeenow adaan kuu Galiin
Nahaye
Maxaan Geysh Dhisnaa Taliskibaa Cunni
Garaamkiiye
Garoomada hadaan xaaqno oo ciidan
soo gelino
Sida loo gambado misana cadawga loo
guulo
Gaataan socod hadaan barniyo gaado ka
ciyaarka
Kaaraha gurguurtiyo hadaan hawser soo
gadano
Geyigeenu waa nabad markay guluf
dhaqaaqaane
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin
nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni
garaamkiiye
Anoo godol ka maalaa ninkii gaagaxshaa
tahaye
Naasaha ninkii gooyey oo gawracaa
tahaye
Ninkii gacanta noo geliyaad aheyd
guuldariyo hooge
Risaqaad gureysiyo waxaad
gabagabeynayso
In aduun gabaawsi yahay go’aha yow
sheega
Goobroonta aad shiriniyo sixirka aad
goobeyni
Guntimadaad xireysiyo ogahay
meeshaad gelinayso
Ma galado ilaah marnaba ruux gabood
fala e
Jahanama waxaa gala ninkii diinta
gaasira e
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin
nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni
garaamkiiye
Geyr baan gelshaa meel hadaan gaar
isleeyahaye
Waxaan galo waxaan gudo ninkaan
garanba yeelkiiye
Anoo qaranka guubaabinaa gool hadaan
dhaliyo
Gef inaad u aragtaahu waa kuu garaad
yariye
Gar baa loo dhigtaa ruux hadduu kaa
abaal gadoe
Dacwo inaad sharciga geysataa waa
gudboon tahaye
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin
nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni
garaamkiiye
Nabsi wuxuu gurguurtiyo wuxuu soo
hergalo geedba
Wuxuu guura leyliyo wuxuu geedi soo
yahayba
Sida bahalka goodkaa wuxuu soo
galaangalaba
Wuxuu soo gafleeyiyo wuxuu guuxa soo
laliyo
Mar unbuu gab soo dhihi halkay
gogoshu kuu taalo
Gurigaaga adigoo galaa gaar lagaa
qabane
Isugeey gacmaha kaa go’ee gaalshiraad
geliye
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin
nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni
garaamkiiye Qore Bashir hashi yusuf

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s