Cadaado Waa Magaalo ku Haboon Marti Galinta SHIRKA Goblada dhexe ee Soomaaliya (Akhriso Maqaal (Caqligu ha Taliyo

Cadaado Waa Magaalo ku Haboon Marti Galinta SHIRKA  Gobolada dhexe ee Soomaaliya (Akhriso Maqaal (Caqligu ha Taliyo Gobollada Dhexe maxay Dowlad u dhisan
kari la’yihiin? Degmooyinka iyo siyaasiyiinta
hor boodayaa maxay guul u yaqaannaan?
Dantoodu ma in ay helaan baa waxa ay
doonayaan? Mise dantoodu waxay ku jirtaa
in ay is-hor taagaan waxa ay kuwa kale
doonayaan?
Waa mowduuca aan jecel ahay in aan
halkan ku qaadaa dhigo. Si ay noogu
fududaato, waxaa habboon qolyaha is haya
in mid kastaa uu is weydiiyo ujeeddadiisu
waxa ay tahay. Ma adigaa wax doonaya?
Mise cid wax isu rabta ayaad is-hor
taageysaa?
Erayadeydu waxay ku socdaan labada
degmo ee Dhuusa Marreeb iyo Cadaado.
Waxaa hore loo go’aamiyay in shirka lagu
dhisayo Dowlad Goboleedka lagu qabto
Cadaado. Waxaa arrintaa diiddan Dhuusa
Marreeb. Sabab? Waa baqdin ay ka qabto in
caasimadda Gobollada Dhexe, oo ay iyadu
dooneyso, laga dhigo meel aan Dhuusa
Marreeb ahayn. Laakiin Dhuusa Marreeb
uma ololeyn caasimadda sidii ay ku heli
lahayd ee waxay ku dhawaaqday in uu
shirku ka dhacayo Dhuusa Marreeb.
Haddii ay Dhuusa Marreeb si uun ay ugu
guuleysato in ay Cadaado iska hor taagto in
shirka ay marti geliso, is nacayb ka dhasha
ka sokow, haddana macnaheedu ma ahan in
Dhuusa Marreeb ay si ootomaatik ah u
noqoneyso caasimadda.
Waxaan soo xusuustay nin telefoon ku
dalbanaya Pizza (raashin muufada la bah
ah) oo la iiga sheekeeyay. Wuxuu ka
billaabay doofaar ha iiga darin, kalluun ha
iiga darin, basal ma rabo iwm. Wuxuu
tiriryay tax dheer oo ah waxyaabaha ay
tahay in aan lagu darin. Liiskaasi wuxuu ka
dheeraa waxa uu rabo in lagu daro. Sow
ugama sahlaneyn in caqligu uu taliyo oo uu
sheegto mid ama laba waxyaabood oo uu
rabo in lagu daro.
Dhuusa Marreeb iyada oo aan waxba is-hor
taagin, cadaawadna aan abuuran, ha
raadsato waxa ay iyadu dooneyso. Uma
qabo in ay dooneyso marti gelinta shirka –
saa hore ayaa loo go’aansadaye. Waxay
dooneysaa waa in ay noqoto caasimadda
Dowlad Goboleedka.
Wey mudan tahay, sababo badan oo loogu
dooran karaana wey jiraan. Oo ay ka mid
tahay in caasimadda labada Gobol ee isku
biiraya middood ay qeybsan tahay. Midda
kalena ay tahay Dhuusa Marreeb. Taas
waxaa ku taageersan degaanno kale oo
badan oo Gobolka ah. Waa xarunta Gobolka
waana mid ka mid ah labada fariisimood ee
ay ugu badnaayeen militeriga Soomaaliya
markii ay ahaayeen cudud Afrika ka
tilmaaman. Ha ka faa’iideysato, hana
muujiso soo dhoweyn, dulqaad iyo in ay
dadku u sinnaan karaan magaalada,
haddiiba ay caasimad u wada noqoto.
Dhuusa Marreeb soo jiidasho wax ha ku
doonato ee diidmo yaanay wax ku radin.
Cadaado waa magaalo si wanaagsan u
dhisantay intii uu burburku jiray. Waana
goob la go’aansaday in shirka lagu qabto.
Cadaado iyaduna waxay u baahan tahay in
ay fahamto in aan marti gelinta shirka loo
diiddaneyn loona diidi karin. Laakiin
tuhunku uu yahay in ay dooneyso in ay
adeegsato fikradda ganacsiga ee ah – Mid
gado midna lacag la’aan ku qaado.
Markaa ha is caddeyso Cadaado haddii
ujeeddadeedu ay tahay in ay caasimad
noqoto. Oo ay xaq u leedahay. Haddii ay
ujeeddadeedu ku eg tahay marti-gelinta
shirkana, sidaa ha caddeyso.
Waxyaabaha xalka noqon kara waxaa ka mid
ah, in ceeriinka wax lagu qeybsado. Hore
waa loogu heshiiyay meesha uu shirku ka
dhacayo waana Cadaado. Taas ha la aqbalo.
Ka hor inta aan Cadaado la teginna ha laga
heshiiyo meesha ay caasimaddu noqoneyso.
Haddii taasi aanay suurta gal ahayn, waa in
ugu yaraan lagu heshiiyaa sida Caasimadda
lagu go’aansanayo, cidda go’aansaneysa,
goorta iyo goobta lagu go’aansanayo iyo
weliba magaalooyinka tartanka ku jira.
Ma garanayo waxa labada magaalo ay
dooddan isugu koobayaan marka min
Wabxo oo Hiiraan Saaran, Ceel Dheer iyo
Hobyo oo xeebta Badweynta India ku yaal
ilaa Caabbud Waaq oo ku dhow soohdinta
Ethiopia iyo min Guri Ceel ilaa Gaalkacyo ay
qeyb ka noqonayaan go’aanka meesha
caasimad noqoneysa.
Ugu dambeyn, taladeydu waxay ku kooban
tahay – yaan la is lug jiidin, yaanna la is
tijaabin ee ha la is aqbalo, waxna ha la isu
quuro si la isu kaashado. XIGASHO YUSUF GARAAD Re-edited by Bashir hashi YUSUF

image

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s