War Deg Deg ah Madaafiic Caawa lagu garaacay Degmada Dayniile iyo Khasaaro badan oo ka dhashay duqeynta

War Deg Deg ah Madaafiic Caawa lagu
garaacay Degmada Dayniile iyo Khasaaro
badan oo ka dhashay duqeynta War goordhow naga
soo gaaray Degmada
Dayniile ee Gobolka
Banaadir ayaa
sheegaya in Caawa
halkaasi lagu
garaacayo Madaafiic
khasaaro kala duwan
geystay.
Wararku waxa ay
sheegayaan in
Madaafiicdaasi ay
galaafatay nolosha
ilaa 5-ruux oo u
badnaa dhalinyaro ku
bad ku dheeleysay
Xaafada Oodweyne ee
degmada Dayniile.
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in
Madaafiicdaasi laga soo tuuray qeybta
dambe ee Degmada, waxaana la sheegayaa
in ujeedka uu ahaa Wasaarada
Gaashandhiga DF Somalia oo xiligaani ay ka
socto dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar
garoobaayo xuska maalinta dhidibada loo
aasay Ciidamada Militeriga Somalia oo ku
beegan maalinta bari ah.
Dhanka kale, Ciidamada DF ayaa ku
dhaqaaqay dhanka laga soo tuuraayo
Madaafiicda si ay halkaasi uga sameeyaan
baaritaano.
Ciidamada ayaa ku jawaabaya rasaas
xoogan oo ay u ridayaan dhanka laga soo
tuuray Madaafiicda.
Muqdisho Source (Allbanaadir)

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s