Furriinka oo keena wadna xanuun

image

Furriinka oo keena wadna xanuun Furitaanka ayaa u badan in uu keeno wadna
xannuun marka la barbardhigo dadka uu
guurkooda guuleystay, waxaa sidaa lagu
sheegay cilmi baaris laga sameeyay dalka
Maraykanka. Wareysiyo lala yeeshay 15,827 qof ayaa
muujinaya in haweenka dhibaato aad u
daran ay soo gaarto marka ay kala tagaan
saygooda, waxa ayna khatartaasi
yaraaneysaa marka haweenka dib loo
guursado.
Cilmi baaristan oo lagu soo daabacay
wargayska journal Circulation, oo ka soo
baxa dalka Maraykanka, ayaa ku baaqay in
walwal aad u daran uu la xiriiro marka uu
furitaan dhaco, waxa uuna keenaa saameyn
wakhti badan qaadata oo ku raagta jirka
qofka.
Hay’adda British Heart Foundation ayaa ku
baaqday in la sameeyo cilmi baaris badan
kahor inta furriinka loo aqoonsan inuu keeno
dhibaato dhanka wadnaha ah.
Waxa ay hay’adda intaa ku dartay in haddii
uu dhinto qof aad kuugu dhow ay dhici
karto in qofka uu aad khatar ugu jiro wadna
xannuun.
Hadda koox ka socota jaamacada Duke
University ayaa sidoo kale sheegtay in
dhibaato dhanka wadnaha ah ay dhici karto
furriinka kaddib.
Xilligii la sameeyay cilmi baaristan,oo u
dhaxaysay 1992 iyo 2010, qiyaastii hal qof
oo ka mid ah seddex qof oo baaritaan lagu
sameeyay ayaa ugu yaraan la furay hal jeer.
Haweenka la furay hal jeer ayaa tiradooda
ay tahay boqolkiiba labaatan iyo afar,
waxaana suura gal ah in ay qabaan wadna
xanuun, sida lagu sheegay cilmi barista
haddii loo barbardhigo kuwa guurkooda uu
guuleysto.
Tirada ayaa ahayd boqolkiiba todobaatan
iyo todobo kuwa labada jeer la furay.
Marka raga la fiiriyo waa ay ka duwan yihiin
tan haweenka oo 10% ayaa khatar wajaha
marka ay furitaan sameeyaan, balse waxa ay
tiradaasi kordheeysaa marka laba jeer ay
ragga furiin sameeyaan, oo waxa ay
gaaraysaa boqolkiiba sodon.
Prof Linda George, oo ka mid ah dadka cilmi
baaristan sameeyay ayaa sheegay ”
khatartan waxaa loo barbardhigi karaa tan
dhiig karka ama haddii qofka uu qabo
sokoroow, marka halkaas ayuu gaarsiisan
yahay, waana mid baaxaddiisu ay ballaaran
tahay. SOURCE BBCSOMALI BY BASHIR HASHI

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s