Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka oo gaaray Cadaado

image

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka oo gaaray Cadaado Wafdi xildhibaanno ka tirsasn Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduuud,  halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wafdigan Xildhibaannada ah oo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaysay Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi, Sidoo kale  waxaa qayb ka ahaa Xildhinaanad Bishaaro Cabdi Garabey

iyo Faadumo Cali Xasan.

Xildhibaanada waxaa garoonka diyaaradha ee Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb iyo ururada bulshada Mudug iyo Galgaduud qaarkood, iyadoo ay ka dhexmuuqdeen barbaarta gaashaaman oo halkaas ciyaaraha iyo hiddaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay.

Wafdiga Xildhibnaanada ayaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay xarunta madaxtooyada Ximan iyo Xeeb,  waxaana ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha bulshada maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo jeediyey kalmad soo dhoweyn sharaf ah.

Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilm ayaa ka mahadcelisay soo dhawaynta loo sameeyay, waxaana ay xustay in ay ku faraxsantahay inay timaado magaalada Cadaado oo shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud uu ka socdo, rajo weynna ka muujiyey howashaasi.

SOURCES BY BASHIR HASHI YUSSUF

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s