Daawo Sawirada” qaabka quruxda badan ee xariga looga jaray Dhismaha Maxkamadda Gobolka Banaadir

Daawo Sawirada” qaabka quruxda badan ee xariga looga jaray Dhismaha Maxkamadda Gobolka Banaadir
Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad Xarigga looga Jarayay Dayactir lagu sameeyay Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Munaasabada ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya, Taliyaal Ciidan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garsoorayaal iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolkan banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sharaxaad kabixiyay qaababka kala duwan oo ay soo mareen shaqooyinkoodii maxkamadda iyo in ay doonayaan in laga raro maxkamadaha ay kamid yihiin tan milatariga loona dhiso xarumahooda.

Waxa uu sheegay in Maxkamadu ay dadaal farabadan ku bixisay sidii lagu heli lahaa Cadaalad, inta harsana ay dhameystiri doonaan.

Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ah goobta maanta Xarigga laga jaray kaddib Dayactir in muddo ah ku socday ayaa noqonaysa Xarun u gaar ah Maxkamadda Gobolka Banaadir, maadaama in muddo ah ay ahayd Xarun ay ku dhex-shaqeynayeen Xafiisyada Maxkamadaha kale ee dalka ka jira.

Mas’uuliyiinya Munaasabada ka jeedisay qudbadaha ayaa Midowga Yurub uga Mahad-celnayaan Dhismaha ay ku sameeyeen Xarunta Maxkamadda Gobolka ee Maanta Xarigga laga jaray.

Xubno uu ka mid ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Somalia ayaa Madasha ka sheegay in Midowga Yurub uu ballaarin doono Qorshaha ku aaddan dib u dhiska ay ku sameynayaan xaruumaha danta guud ee Soomaaliya.







source allbanaadir

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s