Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta booqasho ku tagay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

???????????????????????????????Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, booqashan ayaa noqonayso tii ugu horreysay oo dhinaca dhulka ah uu madaxweynuhu  ku tago deegaanno ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa galbinayay ciidammo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka jidka isku xira degmada Marko iyo Muqdisho.

Wafdi madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka cadaalada arrimaha diinta iyo oowqaafta C/llahi Abyan Nuur,wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed iyo taliyaha hay’ada nabad sugida,sirdoonka qaranka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Degmada Marko ayaa waxaa saakay lagu arkayaa ciidammo fara badan oo ku sugan goob walba, iyadoo booqashadan ay tahay mid uusan horay uga hadlin madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay mareen jidka isku xira Muqdisho iyo Marko oo dhinaca koonfureed caasimadda kaga beegan 90-km, iyadoo wararku ay sheegayaan in madaxweynuhu uu kaga qaybgeli doono Marko munaasabad loo sameynayo beelo khilaaf dhexmaray oo halkaas heshiis ku gaaray.

Sidoo kale Degmada Marko ayaa waxaa horay ugu sugnaa wafdi ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Somalia, waxaana lagu wadaa inta madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisu ay ku sugan yihiin degmadaas ay u kuur-galaan xaaladda degmadaas ka jirta. (source)SomaliSwiss   BY BASHIR HASHI YUSSUF

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s