Daawo Qabiil 


​ Abwaaniinta soomaaliyeed ayaa inta badan dareenkooda ku cabira aragtida xilliga  taagan, tasoo mar walba ay ku hogatusaaleeyaan shacabka, dhibka jira iyo halka looga dabaalan karo

Abwaan  nuuradiin darwiish oo ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Australia. 

Abwaanka ayaa oo ah  maanso ruug soomaaliyeed ayaa ka damqadey Dagaalada sokeeye ee ka oogan soomaliya mudda rubac qarniga ah, wuxuna yiri

——-‘—

  • Dagaalada dalkeyga ka dhacay daal ma igu reebay
  • Dagaalkaas qabiilkaa dumiyey qaran dalkii hooyo
  • Dabaabaad ayaa waxays ku riday duul walaalaahe
  • Dantoodii ayey wada gefeen duhur dharaartiiye
  • Dibindaabyo hoosaa jirtee doqone waa mooge
  • Daawadoo cayaar maahinee dhiig aaya daatay
  • Diric & weliba waxa la dilay geesi daacadahe
  • Dulmigaas qabiil loo guntiyey baan diirka ka cadeyne
  • Degmo ilaa gobol hadii noloshi duugoowday
  • Dilka & xumaanbataba haddan derajo moodeyno
  • Deegta qoriga noo saran & daarahoon domino
  • Derisnimada oon diidno & sharafta diinteena
  • Duqey iyo caruur baa la dilay iyo dumarka & hooyo
  • Duqsiyadii quraankiyo hadddii diinta laga leexday
  • Dooxatada falkeedba hadii loo dadaalaayo
  • Daaqadaha xumaantee la furay yaa dabool saaraa.
  •  
  • Afartaa da iyo woowga iyo deel maka hingaadshay
  • Dantii aan ka rabay iyo wadada derita moow qaadshay
  • Daleel gabaygu iima tagee meydin deegsiiyay
  • Deeleyda maansada abwaan daadah-shaan ahaye
  • Dadku markeey dagaagaan ayaan gabay ku doojaahe
  • Dahab lumay nin doondoonayoo daalan baan ahaye
  • Danqashada wadanimo ayaan faaraxow demine
  • Daljirkii dalkaygaan ahoo dirir qabiil diidan
  • Dalkiisii nin jecel baan ahoo qurbaha daalay
  • Calankeyga doogaa ayaan daawadaa abide
  • Dadka oo heshiiyaan rabaa dowlad daacad ahe
  • Dareenkaas qabiilkaa ayaa daawadiis keenay
  • Dadweynoow dantaadii ayaan doorkaan kuu sheegi
  • Daqaal oogayaashii ayaad daacad moodane
  • Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
  • Daba dhilif shisheeyaha la jira doolar badan qaatay
  • Dirirtaas colaadeed wadiyo dabino qoolqoolan
  • Duulaan colaadeed kuwaas qoriga deegeystay
  • Duligiyo xumaha kuwa nabaday ee nabada diidaaya
  • Dalaal iyo malaal iyo kuwaas daacada ilaaway
  • Dariiqyada habeenkii ku hara ceebta daba jooga
  • Darajada habeen riyo ku helay ee duhurkii doonaya
  •  
  •  
  • Afartaa dadiyo woowga & deel maka hingaadshay
  • Dantii aan ka rabay iyo wadada derita moow qaadshay
  • Daleel gabaygu iigama tagee maydin deeqsiiyay
  • Dadku Markeey dagaagaan ayaan gabay ku doojaahe
  • Afar kale waa iga didniin aan dadka u sheege
  • Dufta sare daxal hoosta taal maan dabka ilaawno
  • Diidmada qayaxan iyo hunguri doobi loo culayo
  • Daar dheer kursiga saaran ee beenta lagu doono
  • Dacas wada dhamaadeey danbiil dacalka haystaane
  • Dirqi xoog ku dooreey rabaan dabamar sheydaane
  • Docwareenka waa lagu yaqaan deyrada iyo hooga
  • Debnaha hadalka caaydaa ku badan duco ma sheegaane
  • Deymada indhaha kugu gubaan xaqa daboolaane
  • Duxmalaha qabiil iyo waxeey darajo moodaane
  • Damac iyo hunguri baa ku jira nolol dariiq beeshay
  • Dalka anaa u talin baa qabiil laysku doox-dooxay
  • Duqeydii caruurtii miyaa daawo loo waayey
  • Dunidii ayaa yabane nabada yaa diidan
  • Dadku inuu degiyo yaanan rabin derisnimo kheyrka
  • Durbaanada qabiil yaa tumoo yaa damiir beelay
  • Deyn deyn ku gaar yaa duqey doolar badan siiyey
  • Danta guud aaya diidanoo tiise yaa doonay
  • Kanaan dilay kanaan dila lahaa yaa dadka u sheegay
  • Daboolkaan ka rogey faaraxoow doodi qarameede
  • Wadaniga danqanayaan u furay doow la soo mara e
  • Doqon dheregtay waa lagu yaqaan daaciyo qurine
  • durduradana waa lagu yaqaan socod dabaaleedka
  • Daawadii qabiil baan hayaa ee dadyahow hooya
  • Duuduub waxii hore udaa hoow durbaantumine
  • Dufta sare daxal hoosta taal maan dabka ilaawno
  • Duuduub hadan loo liqeyn dacar qaraarkeeda
  • Daalkii xanuunkii dadyahoow soow ma daashaanba
  • Dermo laysu fidiyo hadaan caano lagu daadin
  • Daacadii ilaaheey hadan nabad loo dooran
  • Duco guud hadan faaraxoow duhur la wada yeelan
  • Denbiyadii la kala galay hadan nabada loo deynin
  • Duulba duul waxii uu ku dhahay daaqada laga tuurin
  • Derisnimada kow ah iyo haddan faaraxoow nabad la doon-doonin
  • Dastuur noo dejiya oo dadyahow nolol dugaag diida
  • Daa’inoow ilaahoow mar kale nabad soo daabur
  • Darwiish baa aniga lay yiraah geesi daacadahe
  • Dalka inaan imaadaan raba oon aan soo degee
  • Xamar baan dulheehaabayaa sida dabeyshiye
  • Dayaaradaha dheereeya iyo dulal bay sida’e
  • Deg markaan iraahdaan arkaa dhiig la daadinayo
  • Diiftaas shacabka haysaan arkaa iyo darxumo guude
  • Dalkeygaan jeclahay faraxoow dunidan oo idil
  • Danbi malaha ruuxii ilaah uu ka daayaaye
  • Dunidaan hadii aan ka tago oo naftu I deyso
  • calankeena igu duuga oo ducana ii dhaafa
  • Ma duugoowdo taariikhdu oo wax noo dihane
  • diiwaanka meel iiga qora darxumada qurbaha igu heshiyo sheega diiftayda
  • Daa inoow ilaahoow dalkaygii markale dowladnimo noo hel

Kala xiriir  abwaan Nooradiin darwiish 
Sydney Australia 
E-mail: darwiish2020@hotmail.com

XIGASHO BASHIR HASHI YUSSUF 

Leave a comment