image

Dhageyso
+Sawiro:-
Shacabka,Siyaasiyiinta
Iyo Masuuliyiinta
Ximan iyo Xeeb
Oo Ka Hadlay
Khilaafka
Madaxda
Dowlada
Somalia
17—11—2013
—————————Xili
Khilaaf Xoogan uu ka dhex
taaganyahay Masuuliyiinta
ugu sareysa Dowlada
Federaalka ee Soomaaliya
islamarkaana ay siyaabo
kala duwan uga hadlayaan
dhamaan Shacabka
Soomaaliyeed ee Jecel
Hormarka iyo hana Qaadka
Dowlada Soomaaliya Ayaa
Maanata maraan
makaroofanka la dhexqaaday
Siyaasiyiinta odayaasha
Dhalinyarada Iyo
ganacsatada Ximan iyo Xeeb
oo aan Wax ka weydiiyay
Arrima Laxiriira Khilaafka
madaxada dalalka ayaa waxa
ay uga hadleen siyaabo kala
duwan.
Guud ahaan Shacabka Ximan
iyo Xeeb gaar ahaana kuwa
kunool Magaalada Cadaado
ee Caasimada Dowlad
Gobleedka Ximan iyo Xeeb
ayaa Si isku mid ah waxa ay
u sheegeen in ay aad uga
Xunyihiin in waqtigaan uu
Khilaaf soo kala dhex galo
masuuliyiinta ugu sareysa
dowlada federaalka ee
Soomaaliya Balse waxa ay
aragtio kala duwan ay ka
qabeen waxa uu ku saleysan
yahay khilaafkaan baaxada
leh ee ka dhextaagan
Madaxada Dowlada
Soomaaliya.
HALKAAN KA DHAGEYSO
C/laahi Macalim Cabdi Wax
uu ka mid yahay
siyaasiyiinta Ximan iyo Xeeb
ee haatan ku sugan
magaalada cadaado ee
Caasimada dowlad
Goboleedka Ximan iyo Xeeb
ahana qofka ugu horeeya ee
hadlaya waraysigaan
waxaana uu ka hadlay
Khilaafkaan ka dhextaagan
Madaxda Dowlada
Soomaaliya kaas oo uu ku
tilmaamay in uu yahay mid
murugo iyo naxdin ku ah
dhamaan umada
Soomaaliyeed ee
daneyneysa Hormarka guud
ahaan Soomaaliya
Madaamada Lagasoo baxay
waqtigii KMG laguna Socda
wadii Dowladnimo Xor ah
Lugu dhisi lahaa.
Ugu dambeyntiina Xoghaya
Waxbarashada iyo Spots ka
Dowlad goboleedka Ximan
iyo Xeeb ayaa ka hadlay
waxyaabaha uu ku saleysan
yahay Khilaafkaan Xooga leh
ee ka dhex aloosan
Madaxada dowlada
Soomaaliya waxaana uu
sheegay in la dhihi Khilaaf
sadex waxyaabood ayaa ku
saleysan yahay kuwaas oo ku
sheegay qaar kood in ay ka
imaan karaan soo xulista iyo
la shqeynta golaha wasiirada
ee dowlada Soomaaliya.
Waxaa Qoray: C/Fitaax
Axmed Cali (Shiino)

image

image

image

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s