Yuusuf Indha Cadde oo
lagu eedeeyay in uu ka
dambeeyay Dagaal dad
badan ku dhinteen iyo
Indha Cadde oo Jawaab ka
bixiyay eedeyntaasi
Waxaa Shalay Deegaanka
no-50 ee Gobolka
Shabeelaha Hoose ka dhacay
Dagaal dhiig badan ku
daateen oo u dhaxeeyay
Ciidamo katirsan Milatariga
Soomaaliya iyo ciidamo kale
oo iyana ka tirsan Maamulka
Deegaanka No-50 oo
Dowlada Hoos taga.
Gudoomiyaha Deegaanka
No-50 Cabdulaahi Waafow
oo la hadlay Warbaahinta
ayaa dagaalkii shalay ku
eedeeyay Ciidamo katirsan
Milatariga Soomaaliya oo
aad u hubeesnaa kusoo
qaadeen Deegaankaasi
halkaasna ay ka geesteen
xasuuq iyo Boob.
Waafow ayaa xusay in
Ciidamada soo weeraray ay
yihiin Ciidamo ka amar
qaata Sheekh Yuusuf Indha
Cadde ayna Hogaaminayeen
Jen.Goobaale iyo Janaraale
Qaafow waxa uuna Dagaalkii
shalay Gudoomiyaha
Deegaanka No-50 ku
saleeyay mid qabiil.
Jen Yuusuf Maxamed Siyaad
Indha Cadde oo isna la
hadlay Warbaahinta
Mqdisho ayaa beeniyay in
dagaalka uu ku lug lahaa
waxa uuna taa badalkeeda
sheegay in Dagaalkii shalay
uu u dhaxeeyay Ciidamo
katirsan Milatariga iyo
Ciidamo taabacsan Al-
Shabaab oo kusugnaa
Deegaanka No.5o.
Indha Cadde waxa uu ku
eedeeyay Maleeshiyada
dagaalka la gashay
Ciidamada Milatariga in ay
yihiin kuwa Shabaab hoosta
ku wata dadkana dhibaato
ku hayay waxa uuna
cadeeyay in Dowlada
Soomaaliya ay ogtahay isna
ogyahay in dagaalyahano
Shabaab ah ay joogaan
No-50.
Marka laga soo tago
eedeynta labada dhinac isku
jeediyeen ma jiro wax war
ah oo kasoo baxay Dowlada
Soomaaliya oo ku aadan
Dagaalkii dhiiga badan ku
daatay ee maalintii shalay
ka dhacay Deegaanka No-50.
Xafiiska Shabakada source allbanaadir.com
image

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s