Daawo Sawiro:- Dhismaha
Isbital qaabilsan Hooyada
iyo dhalaanka oo laga
dhagax dhigay Cadaado
18kii , 2014 xigasho Isbitalka dhexe ee degmada cadaado ee
xarunta dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb
oo dhawaahaanba lagu waday kusoo
kodhinta qeyba cusub ayaa maanta qeyb
kamid ah laga dhagax dhigay xarun
qaabilsan Hooyada iyo dhalaanka.
Dhagax dhiga xaruntaan ayaa waxaa kasoo
qeybgalay Masuuliyiin kasocotay Hay’adaha
ku bahoobay GBLG ee qaabilsan dhismaha
xaruntaan Bahda caafimaadka iyo madax ka
tirsan dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb.
Gudoomiyaha degmada Cadaado C/laahi C/
raxmaan Xuseen Tootoole ka hadlay
madasha dhagax dhiga ayaa sheegay in
Hay’adaha ku ku bahoobay GBLG ay
qaabilsan yihiin dhismaha xaruntaan isagoo
sheegay in ay Xarunta degmada cadaado af
fulineyso mashruuca
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in qolal
dhaqan 13 qol iyo 8 musqulood laga dhisi
doono kuwaa oo ah Isbitalka hooyada iyo
dhalaanka ee Cadaado waxaana uu
tilmaamay in dhismaha xaruntaan uu socon
doono mudo dhan sadex bilood.
Wasiirka Arrimaha bulshada dowlad
goboleedka Ximan iyo Xeeb Cumar
Maxamed Diiriye Cumar Guureeye oo dhagax
dhigay xaruntaan ayaa hambalyo iyo
bogaadin usoo jeediyay ururada ka qeyb
qaadanaya dhismahaan waxaana uu
tilmaamay in waxa lagu farxo ay tahay
helista xaruntaan oo kale.
Xiliyadii Dambe deegaanada Ximan iyo Xeeb
ayaa hormaro ka sameynayay dhinacyo ay
kamid yihiin Cafimaadka iyo waxbarashada
iyadoo ay xusid mudan tahay in hormarinta
caafimaadka deegaanada Ximan iyo Xeeb ay
ugu badan yihiin ka qeyb qaadahsadooda
qorbada jooga Ximan iyo Xeeb ee dalka
dibadiisa ku nool.
Hoos Ka Daawo Sawirada http://www.goboladaradio.com

image

image

image

image

image

Leave a comment